Maalin wanaagsan akhristayaasha sharafta leh meel kasta oo aad joogtaan, waxaa weli furan suuqa kala iibsiga Janaayo sidaasi darteed wararka xanta ah ma ahan kuwa joogsada si kasta oo ay xaqiiqda uga fog yihiin. Sida caadiga ahba waxaan maalin walba idiin soo gudbinaa wararkii ay wargeysyada Ingariiska ka qoreen suuqa kala iibsiga. Xuquuqda wararka waxaa iska leh wargeysyada magacyadooda ay sawir ahaanta kuugu muuqdaan, sugnaanshahoodana wax xil ah kama saarna laacib.net
INDEPENDENT
Gareth Bale ayaa ka baaqsaday heshiis 100 milyan ginni ah oo uu ugu dhaqaaqi lahaa kooxda Manchester United waxaana ugu wacan mushkilada ka dhex taagan kooxda Old Trafford ka dhisan iyadoo aan la hubin mustaqbalka tababare Louis van Gaal.
James Rodriguez ayaa dhegta u taagay Manchester United ka dib markii uu ku dhaleeceeyay taageerayaasha Real Madrid iany ku tilmaameen mid cayilan islamarkaana ay dhaleeceeyeen qaab ciyaareedkiisa.
West Ham ayaa isku diyaarineysa inay 20 milyan ginni ku dalbato weeraryahanka Marseille Michy Batshuayi iyagoo raadinaya saxiix weyn ka hor inta aysan u wareegin garoonka Olympic Stadium.
Tottenham ayaa raadineysa inay la soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee Southampton Victor Wanyama, iyadoo Andros Townsend uu qeyb ka noqonayo heshiiska.
Lewis Towns ayaa u soo muuqday mid diirada u saaran kooxaha Manchester United iyo Manchester City, da’diisana kaliya waa shan sanno jir.
Louis van Gaal ayaa labo jeer laga diiday inuu iscasilo iyadoo uu madaxa kooxda Manchester United Ed Woodward uu ku qanciyay inuu kooxda sii joogo.
Chelsea ayaa diyaar u ah inay iska iibiyaan weeraryahan Patrick Bamford, laakiin waxa ay doonayaan inay ku xiraan sharuud ah inay dib u soo iibsan karaan.
Manchester United ayaa sarre u qaaday xiisahooda goolhayaha Genoa Mattia Perin, kaasoo sidoo kale lala xiriirinayo kooxda Liverpool.
Chelsea ayaa isha la raaceysa da’ yarka khadka dhexe ee Sparta Rotterdam Rick van Drongelen.
Andros Townsend ayaa qarka u saaran inuu u wareego kooxda Newcastle United ka dib markii ay Tottenham ka dabacday dalabkeedii ahaa 14 milyan ginni.
Manchester United ayaa dooneysa inay u dhaqaaqdo goolhayaha kooxda Barcelona Claudio Bravo.
Loic Remy ayaa amaah ugu wareegi kara midkood kooxaha Crystal Palace, Newcastle, Swansea ama Aston Villa haddii ay Chelsea dhameystirto saxiixa weeraryahanka reer Brazil Alexandre Pato.
Francis Coquelin ayaa ku soo laaban kara Arsenal kulanka ay isbuuca danbe la ciyaarayaan Southampton ka dib labo bilood oo uu dhaawac jilibka ah ku maqnaa.
Manchester United ayaan weli ka quusanin rajadii ay ka qabeen inay Old Trafford keenaan Pep Guardiola iyadoo Louis van Gaal uu ka soo laabtay safar gaaban uu ku tagay dalkiisa Netherlands xilli qolka labiska uu burbursan yahay.
Liverpool ayaa loo sheegay inay wax ku daraan dalabkooda 28ka milyan ginni ee ay ku doonayaan weeraryahanka kooxda Shakhtar Donetsk Alex Teixeira.
Sunderland ayaa dooneysa inay la soo wareegto daafaca ka dhacay Arsenal Mathieu Debuchy oo ay keenaan Stadium of Light.
Raga u qaabilsan suuqa kala iibsiga Manchester United ayaa daawanayay Porto axadii waxaana ay xiiseynayaan xiddigaha Bruno Martins Indi iyo da’ yarka khadka dhexe Ruben Neves.
GUARDIAN
Manchester United ayaa daawatay xiddiga garabka ka ciyaara ee Marseille Georges-Kevin N’Koudou kaasoo hore loola xiriirinayay kooxaha Liverpool iyo West Ham.
Kooxda Newcastle ayaa dalab cusub ka gudbineysa weeraryahanka kooxda Lyon Alexandre Lacazette.